Cun cunto isku dheelitiran – ku dar miro, khudaar, qamadi dhan, iyo borotiin caafimaad leh.
Cab biyo badan – biyuhu waxay ka caawiyaan jirka tamar iyo shaqo fiican.
Hurdo kugu filan seexo –Ugu jaraan 7 saacadood ugu badnaan 8 Saacadood seexo. hurdadu waa muhiim si maskaxda iyo jirku u nastaan.
Jimicsi samee si joogto ah – Jaranjarta raac meshaad wiish qaadan lahayd. muhiimku waa inaad socod, ciyaar ama dhaqdhaqaaq fudud samayso maalin kasta.
Yaree cunista cuntooyinka warshadaysan – waxaa ka buuxa dufan iyo sonkor dheefshiidkana uma fiicna.
Nadaafad wanaagsan ilaali – gacmaha dhaq, ilkahana si joogto ah u caday.
Iska ilaali walbahaarka badan – walwalka iyo walbahaarka badan qofka dhibaato nafsi ah ayay ugaystaan waxna kuma kordhiyaan, wixi aad qabankarto qabo wixii kalana iska dhaaf ama wakhti kuboon udhigo.
La xiriir dadka kale – in qofku dada la sheekaysto caafimaadka ayay u roon tahay.
Baro waxyaabo cusub – akhris, xirfad cusub ama waxbarasho maskaxda kicisa.
Raadi daryeel caafimaad marka loo baahdo – ha iska indho tirin xanuun ama daal joogto ah.

Hinterlasse einen Kommentar