Kow iyo Toban Talo Oo Naftaada Wax Wayn Taraya

halkan waxaan kugula wadaagi kow iyo toban talo oo naftaada waxwayn taraya

  1. Is-barasho samee – Ogaaw xooggaaga iyo meelaha aad ka shaqayn karto. Is-waydiin: maxaan ku fiicanahay? maxaan rabaa inaan hagaajiyo?
  2. Yoolal cad samee – Ujeeddooyin yar-yar oo la gaari karo dejiso, kana shaqee mid mid.
  3. Akhri wax faa’iido leh – Buugaag, maqaalada, ama waxbarasho cusub waxay ballaadhiyaan maskaxda.
  4. Maamul waqtigaaga – Qorshee maalintaada, kana fogow dib-u-dhigis (procrastination).
  5. Daryeel naftaada – Hurdo ku filan, cunto caafimaad leh, iyo jimicsi fudud waa muhiim.
  6. La soco dadka kugu xeeran – La joog dad togan oo kugu dhiirrigeliya horumar.
  7. Khaladaadka ka baro – Ha ka niyad jabin guuldarro; u arag cashar.
  8. Is-ku kalsoonow – Rumayso awooddaada, hana isbarbar dhigin dadka kale.
  9. Xirfado cusub baro – Sida isgaarsiinta, hogaaminta, ama farsamo aad xiisaynayso.
  10. Samir yeelo – Horumarintu waa safar, ma aha wax hal maalin lagu gaaro.

Hinterlasse einen Kommentar